Joogitaanka Mourinho Ee Old Trafford Oo Shaki Weyn Ku Jira Iyo Sababta Oo La Ogaaday

Mustqabalka Macalinka Kooxda Manchester United, ee Jose Mourinho ayaa wuxuu yahay mid aan la hubin kadib markii uu khilaaf soo kala dhaxgalay isaga iyo Gudoomiye Ku Xigeenka naadigaan.

Khilaafka labadaan shaqsi ayaa yimid kadib markii Mourinho lasoo wareegay kalliya hal xiddiga, kaasoo uu kusoo qaatay lacago aad ubadan, wuxuuna xiddigaas ahaa Daafaca Victor Lineof, oo udhashay wadanka Sweden.

Warar la dusiyay ayaa waxay muujinayaa in macalinkaan uusan ku faraxsaneen naadiga, kadib markii loo diiday inuu saxiixyo badan sameeyo, islamarkaana ay isku dhacsan yihiin maamulka sarre ee kooxdiisa.

Mourinho ayaa wuxuu kooxdaan yimaaday xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay waxaana taageerayaasha United ay filayeen inuu ka saarayo dhibaatadda Koobab la’aanta ee haysata, waxaana muuqaneysa in hankaas uu burburayo.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close