Mourinho Oo Si Aan La Filayn Uga Jawaabay Hadii Goolhaye Courtois Uu Real Ku Biiri Doono

Kooxda kubada cagta Real Madrid, ayaa waxay sare uqaadaysaa xiisaheeda ku aadan Goolhayaha Chelsea, ee Thibaut Courtois, waxaana wararku ay sheegayaan in Los Blancos ay kasoo gudbin doonta suuqa soo aadan Dalab toos ah.

Courtois, oo dhawaan saxiixa doono heshiis cusub, maadaama uu ka dhacayo kan uu hada kula jiro Blues, ayaa horey usheegay inuu yahay mid ku farax-san Stamford Bridge, laakiin wuxuusan meesha ka saarin inuu Madrid aado.

Mar sii horeysay mar wax laga weydiiyay hadii uu jeclaan lahaa inuu dalka Spain ka dego ayuu cod dheer wuxuu ku qirtay in Madrid had iyo goor uu ku hayo laabtiisa, maadaama ay degan yihiin Qoyskiisa.

Courtois, oo Premier League, kula guuleystay Chelsea, sanad ciyaareedkii lasoo dhaafay ayaa waxaa uu uga yimid Atletico Madrid, halkaasoo uu si amaah ah uu ugu dheelayay waqtiyo badan, Chelsea oo asal ahaan lahayd ayaa soo ceshatay.

Sikastaba, Mourinho, oo warbaahinta la hadlayay oo wax laga weydiiyay Xiisaha ay kooxda Zinedine Zidane, uqabto wiilkaan wuxuu sheegay wax shaqo uusan ku lahayn arrintaan, uu yahay mid aanan dooneen inuu ka hadlo.

“Ma garanaro sida looga hadlo wax ku saabsan Courtois,” ayuu Mourinho yiri, kadib markii la su’aalay hadii Real Madrid ay heli karto adeega Shabaq-waardiyeeyahaan reer Belgium, kaasoo shaqo wacan soo bandhigay.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close