Mundo Deportivo Oo Soo Bandhigtay Damacii Ugu Horeeyey Ee Barcelona,Sidee?

Naadiga kubadda cagta ee Barcelona ayaa xagaaga samayn doonta is badal weyn oo dhanka suuqa ah iyada oo xiddigo badan oo waaweyn ku soo dari doonta xagaaga soo socda. Wargayska “Mudo Deportivo” ayaa maanta qoraya in kooxda Barcelona si weyn ugu dhowaatay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain ee Marco Verratti.

Xiddigan ayaa qaab ciyaareed aad u fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan taas oo keentay in uu xiiso waali ah ka helo kooxo badan oo reer yurub ah oo ay ugu horeeyaan kooxaha Juventus iyo Barcelona.

Wargayska ayaa intaa sii raaciyay hadii ay kooxda reer France go,aansato in ay iska iibiso xiddigan in ay Barcelona ahaan doonto meesha uu ku biiri doona marka loo eego in uu xiddiga laftiisu doonayo in uu ku biiro kooxda Barcelona.

Sikasta Agaamsimihii hore ee kooxaha Barcelona ayaa la sheegayaa in uu door weyn ka qaadanayo in uu xiddiga reer Italy ku biiro kooxda Barcelona xagaaga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close