Home » Africa » Muqdisho United oo guusheedii labaad gaartay Yey ka badisay Galabta?

Muqdisho United oo guusheedii labaad gaartay Yey ka badisay Galabta?

LAACIB.SO : Kulan ka tirsan horyaalka heerka koowaad ee dalka ayaa laciyaaray galabta waxeyna dhexmareeysay koox ka dhisan Gobolka Shabeelaha hoose ee Afgooye iyo Kooxda kale ee Caasimadda Muqdisho ka socotay Bariga Dhexe iyo Muqdisho United, kulankaan oo ahaa kulan adag waxaa qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay goolal la’aan labada dhinac ah.

Kadib Markii dib la isugu soo noqday kulanka oo latashiyo badan ay sameeyeen kooxaha waxaa u suurta gashay gool cajiib ah in uu dhaliyo wiilka lagu magacaabo Zakariye Maxamed Koofi oo numberka 7-aad u sita kooxda Muqdisho united daqiiqadii 77-aad ee ciyaarta asigoo Laad xur ah ka soo tuuray Meel fog.

Kooxda Muqdisho United ayaa haatan leh 7-Dhibcood kulankii galabta ay badisay ayaa noqonaya kulankii labaad ee ay badiyaan hadiise dadaalkaan ay sii wadaan waxaa suurtagal ah in aysan u laaban horyaalka heerka labaad waa hadii kulamada soo socdo ay badiso, halka Naadiga laga badiyay ee Reer Afgooye Bariga Dhexe ay leeyihiin 13-Dhibcood taasoo aad moodo in gudkooda biyaha ugu soo galaan hadii kulan kale ay badiyaan naadiga Muqdisho Bariga Dhexene laga badiyo.

Lasoco mar walba horyaalka Dalkaaga Soomaaliya kalana soco LAACIB.SO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*