MURUG ” Wenger oo ka warbixiyay dhaawaca Aaron Ramsey

Macallin kooxda Arsenal, Arsene Wenger   ayaa ka dhawaajiyay hadal si weyn ugu nixiyay taageerayaasha kooxda Arsenal.

Arsene Wenger ayaa sheegay in xiddigiisa in kadka dhexe ee Aaron Ramsey uu garoomada ka maqnaan doono muddo afar todobaad.

Aaron Ramsey ayaa dhaawac waxa uu soo gaaray kullankii kooxdiisa ay ka adkaatay naadiga Hull City isagoo kullanka ciyaaray wax ka yar 10 daqiiqo.

“ Ma maqnaan doono inta ka harsan xilli ciyaareedkaan Ramsey waxa uu qabaa  dhaawac muruqa ah  waxa uu garoomada ka maqnaan doono muddo afar todobaad ah ayuu yiri macallin Wenger.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close