Muxuu Andrea Pirlo Ka Yiri Qiimaha Waalida Ah Ee Barcelona Ku Iibsatay Philippe Coutinho?

cayaaryahankii hore ee khadka dhexe Italy, AC Milan iyo Juventus Andrea Pirlo ayaa ka hadlay qiimaha lagu iibsaday Philippe Coutinho.

Andrea Pirlo ayaa ku adkeysanaya in kooxda Barcelona ay ku saxan tahay in ay Philippe Coutinho ku iibsato €160million marka loo barbar dhigo qiimaha Liverpool ku iibsatay difaaca Virgil van Dijk.

Kubadsameeyaha reer Brazil Coutinho ayaa loosoo bandhigay inuu yahay cayaaryahan Barcelona ah axadii ka dib markii uu kasoo dhaqaaqay Anfield.

Pirlo ayaa sheegay in qiimahaasi uu yahay mid la aqbali karo ka dib markii Reds ay ku iibsatay 80 milyan oo ginni daafacii Southampton.

“Marka laga reebo qiimaha waalida ee Coutinho, maanta wax walba waa suurta gal,” ayuu Pirlo u sheegay Sky Sport Italia.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close