Muxuu Guardiola Ka Yiri Guushii Ay Ka Gaareen Basel & Bandhigii Ay Sameeyeen Wiilashiisa?

Pep Guardiola ayaa natiijo layaab leh ku tilmamaay kadib markii Manchester City ay ku garaacday Basel 4-0 lugta hore ee wareega 16-ka Champions League, habeenkii Talaadda ahayd.

City ayaa waxay ku dhalisay 24 daqiiqo saddex gool, waxayna uga mahad-naqeysaa ciyaartoyda kala ah: Ilkay Gundogan, Bernardo Silva iyo Sergio Aguero.

Gundogan, oo dhaliyay mar kale qeybta labaad, ayaa waxay uga dhigan tahay Man City, inay fursad uheleyso inay raaxeysto lugta labaad, oo ka dhici doonta 7-da bisha Maarso ee sandkaan garoonkooda Etihad Stadium.

 “Champions League, waa mid 180 daqiiqo ah, laakiin wax badan ayaa dhiman: – ayuu Pep yiri – Wuxuu ku daray: “Ma dhihi karo waxbaan sameynay, maxaa yeelay kubada cagta, waxbaa dhici kara, laakiin Natiijadu waa mid yaab badan.

“Aadyaan ugu farax-sanahay muuqaal ciyaareedkeena, ciyaartoydeena wax badan ayay sameeyaan, waana inaan uga mahad-naqnaa,” ayuu sii raaciyay hogaamiyaha kooxda Sky Blues.

“Waa inaan joogtaan sidaan oo kale, oo aan si adag ushaqeynayaa, waana inaan dhalinaa goolasha, aana had iyo goor aan dagaalamaan, waana farxi doonaa intaas kadib,” ayuu kusoo gaba gabeeyay Pep.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close