Muxuu Iniesta Ka Yiri Hadii Ay Rabaan In Final-ka Copa del Rey Ay Ku Dheelaan Garoonka Real?

Kabtanka kooxda kubada cagta Barcelona ee Andres Iniesta oo la su’aalay hadii ay rabaan in Final-ka Copa del Rey ay ku dheelaan garoonka Real Madrid, ayaa sheegay in muhiimadu aysan taasi ahayn.

Waxaa taagan cabsi ay ka qabaan maamulka Los Blancos, in la go’aamiyo Isniinta soo aadan in Final-ka oo ay Barca kula dheeli doonta Seville, lagu dheelo garoonkeeda, laakiin waxaa macquul ah inaan laga dhigin.

Iniesta, oo warbaahinta la hadlay kadib kulankii ay xalay ku garaaceen 2-0 dhigooda Valencia, ayaa sheegay in muhiimadu ay tahay in la dheelo kulanka Final-ka ah, laakiin aysan muhiim ahayn goobta lagu dheeli doono.

Wuxuu yiri: “Muhiim ma ahan goobta lagu dheeli doono, laakiin waxaa muhiim ah in la dheelo kulanka, misana aan aniga qaadno.

“Wax badan ayaa la hadalhayaa, laakiin aniga ahaan waxaan doonayaa in lagu dheelo, goobtii ay go’aamiyaa saraakiisha xiriirka.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay, mar la su’aalay hadii ay rabaan inay qaadaan tartankaan:  “Haa, maxaa diidayo hadii aan heleyno, laakiin waxaa ka horeysa daqiiqado dhib badan oo aan ubaahan nahay inaan shaqo adag qabano.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close