Muxuu Ka Yiri Busquets Barbarihii Xalay, Waxay Uga Dhigan Tahay & Hadii Horyaalka Ay Qaadi Karaan

Barcelona ayaa Bareejo goolal la’aan ah waxay kula gashay garoonkeeda Camp Nou, dhigeeda Getafe, waxaana Sergio Basquets, uu qiray in tani ay ka dhigan in horyaalka uusan wali dhamaan, uuna jiri doono tartan badan.

Natiijadaan ayaa noqoneysa midkii afaraad oo guud ahaan xili ciyaareedkan ah, taasoo soo gaartay Barcelona, waana midkii labaad oo xiriir ah, kulamadii udambeeyay, maadaama Espanyol 1-1 ay lasoo gasha.

Laakiin, Basquets, oo ka su’aalay hadii ay daaleen, maadaama kulamo adag ay soo dheeleen, ayaa cod dheer ku beeniyay hadal-jeedintaas.

Wuxuu yiri: “Waan run inaan ku jirno bil mashquul badan, laakiin maalin walba ma ahan mid guulo ah, mana ahan inaan isdhigano, waa inaan soo laabanaa oo aan isku deynaa in aysan dib dambe udhicin.

Isagoo ka hadlayay Rajadooda iyo hadii ay qaadi karaan horyaalka La Liga, ayuu daboolka ka qaaday in wali ay tahay taasi  ufuran.

“Inkastoo aanan haysan fursado cad oo noo furan, hadana waxaan diyaar unahay inaan udagaalano, sidii bilowga oo kale,” ayuu hadalkiisa u daray.

Ugu dambeyn, mar la weydiiyay inuu wali tartan jiri karo, maadaama bareejooyin ay galeen labo kulan oo xiriir ah, ayuu cadeeyay in taasi ay dhab tahay.

“Labo dhibcood ayaan khasaarinay, laakiin ma ahan in uusan tartan jirin, waa uu jiraa mar walba loolanka horyaalka,” ayuu kusoo gunaanuday hadalkiisa, xidigaan khadka dhexe ka dheela, kaasoo Spain udhashay.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close