Muxuu kula taliyay xidiga cusub ee man united Gareth Bale Kadib Ciyaartii Real Madrid & Man Utd?

Laacibka Kooxda Real Madrid Gareth Bale ayaa ku taageeray xidiga Romelu Lukaku in uu ku biiray kooxda Man United ka dib markii £75m uu ugu dhaqaaqay garoonka Old Trafford,Xiddiga dalka Belgium ayaa u dhaliyay labo gool kulamada saaxiibtinimo ee ka horeeya xilli ciyaareedka kooxdiisa cusub.

kooxda Manchester United ayaa xalay rigoorayaal ku garaacday kooxda ka dhisan horyaalka La Liga ee Real Madrid,Ka dib guushii garoonka Santa Clara, Lukaku ayaa la arkay isagoo wada hadal la qaadanaya xidiga Bale, iyadoo ciyaaryahanka reer Wales uu shaaca ka qaaday waxa ay sku sheegeenlabadooda.

“Kaliya waxaan u rajeeyay nasiib wacan xilli ciyaareedkan,” ayuu yiri Gareth Bale, oo 28 jir ah, “Waxa uu dhawaan u saxiixay kooxdiisa cusub, waxaan rajeynayaa in uu yeelan doono xilli ciyaareed weyn ayuu hadalkiisa ku daray laacibka Bale.

Waxaan Hubaa inuu ogyahay waxa laga doonayo, “Waxa uu sameeyey waxa aad u wanaagsan waayihiisa Horyaalka Premier League, waana hubaa inuu sameyn doono wax badan ayuu yiri Bale.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close