Muxuu Madaxweynaha Barca Ka Yiri Tayada Yerry Mina & Hadii Uu Farxad Gelin Karo Jamaahiirta

Madaxweynaha kooxda kubada cagta Barcelona, ee Bartomeu, ayaa wuxuu ka fikrad dhiibtey saxiixooda cusub ee Yerry Mina.

Mina oo ka dheela daafaca ayaa wuxuu ugu yimid Barcelona, qiimo lacageed dhan 12 Malyuun oo Yuuroo isagoona ka yimid kooxda Brazil, ka dhisan ee Palmeiras.

Bartomeu, oo ka hadleyay wiilkaan ayaa wuxuu yiri: “Waa saxiix kale, oo qiimo badan, waxaana rajeynaynaa inuu horumarka socda ka qeyb qaato.

Wuxuu ku daray: “Mina waa ciyaaryahan wanagasan, kaasoo tayo heer sare ah leh, waxaana rajeynayaa inuu sanada soo aadan farxad gelin doono taageerayaasheena.

Wuxuu sii daba dhigey: “Waa maalin kale, oo qiimo badan iyo inaan soo bandhigeyno Mina, oo ah daafac tayo fiican leh.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa: “Aad ayaan ugu farax-san nahay inaan helno ciyaaryahan wanaagsan sida Mina, kusoo dhawawaan Barca.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close