Muxuu Marcelo Ka Yiri Hadii Kulanka Caawa Uu Neymar Dhaawici Karo Rajadooda UCL

Kabtan xigeenka Boqorada horyaalka dalka Spain ee Real Madrid, wiilka lagu magacaabo Marcelo, ayaa daboolka ka qaaday in Neymar uu yahay ciyaaryahan ay jeceshahay inay hesho uuna udheelo

Labadaan wiil, oo dalka Brazil, kasoo jeeda ayaa waxay caawa ay isaga hor imaan doonaan kulan ciyaareed ka tirsan tartanka Champions League, gaara ahaan lugta hore, wuxuuna ka dhici doonaa garoonka Madrid.

Marcelo, oo ka hor kulankaan la hadlayay warbaahinta ayaa wuxuu qiray in Neymar uu halis badan gelin karo Rajada ay ka qabaan inay ku guuleystaan ama ay daafacdaan xili ciyaareedkan Champions League.

Wuxuu yiri: “Neymar, waa ciyaaryahan, kaasoo ay jeceshay inay hesho koox walba, marka waa ciyaaryahan wanagasan.

“Hadii aad haysato isaga, waxaad haystaa ciyaaryahan weyn oo saameyn bada ku yeelan kara kullamada waa weyn sida kan Real iyo PSG.

“Wuxuu kamid yahay ciyaaryahanada dhaawici karta Rajo walba oo aad leedahay, maxaa yeelay wuxuu dhaliyaa goolal muhiim ah,” ayuu kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa Marcelo, oo daafaca bidix Los Blancos uga dheela.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close