Muxuu Marcelo Yiri Markii La Weydiiyay Hadii Ronaldo Uusan Ku Qanacsanayn Joogista Real

Kabtan xigeenka Real Madrid ee Marcelo ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in ku guuleystaha shanta jeer Ballon d’Or ee Cristiano Ronaldo, in uusan ku farax-saneen Kooxdiisa uu hada udheelayo.

Ronaldo oo 33-sano jir ah, kaasoo ka hor kulanka Champions League ee Paris Saint-Germain saddex-leydhaliyay kulankii ay 5-2 ay kusoo xasuuqeen Real Sociedad ayaa mudooyinkii dambe ayaa mid hadalheyntiisu ay cirka gashay.

Sikastaba, guuxa ugu badan ee ka jiray suuqa ayaa wuxuu ahaa inay macquul ay tahay in PSG ay usoo wareejiso Real Madrid ciyaaryahankii hore ee Barcelona, Neymar ayna qaadato Ronaldo.

Image result for marcelo and ronaldo

Mar wax laga weydiiyay wararka sheegaya in Ronaldo uusan ku farax-saneen Santiago Bernabeu,  ayuu Marcelo usheegay Wageyska Esporte Interativo: “Ma jiraan wax run ah, hadii uusan ku farax-saneen lahayn ma ahaan lahayn halkaan.

“Wuxuu mar walba caawiyaa kooxdiisa – Waa mid duq ah, kaasoo kamid ah xidigaha aadka uxoogan ee Real Madrid la jooga.

“Uma malaynayo in uusan ku farax-saneen halkaan – Dunida waa ay og tahay waxa uu soo sameeyay, waxaad hada eegtaa Taariikhaha soo usmaeeyay kooxdan,” ayuu hadalkiisa raaciyay

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Uma maleynayo inuu noqday mid aanan ku qanacsaneen kooxdaan.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close