Muxuu Tababare Carlo Ancelotti Ka Yiri Kusoo Laabashadiisa Caawa Ee Garoonka Santiago Bernabeu?

Macalimuu Carlo Ancelotti iyo kooxdiisa Bayern Munich ayaa soo gaadhay Santiago Bernabeu oo ay haddaba tababarkii ugu horeeyay ku qaateen,waxayna kooxda Bavaria ay isku diyaarinaysaa in ay ka soo kabsato guuldaradii 2:1 ka ahayd ee Allainz Arena kaga soo gaadhay Real Madrid.

Waayeelkan ayaa ka hadlay muhiimada uu kooxdiisa kulanka Bernabeu u leeyahay iyo sida ay uga go’antahay in ay u soo baxaan afar dhamaadka Champions Leaque-ga. Ancelotti ayaa aaminsan in haddii ay kooxdiisu u ciyaarto si fiican in ay awood u leedahay ay dhinaca kale ugu dhigi karto natiijadii Munich balse waxa uu qiray in todobaad ka hor fursadii ay haysteen ay ka yar tahay tan ay hadda haystaan.

Carlo Ancelotti oo ka hadlaya in ay kulan fiican ciyaareen ka hor intii aanu Martinez kaadhka cas qaadan kulankii Allianz Arena ayaa yidhi: ” Waxaan filayaa in aanu ciyaarnay kulan fiican 60 kii daqiiqo  isla markaana waxaa waajib nagu ah in aanu markale samayno. Waxaa qasab nagu ah in aanu isku dayno kulan sax ah oo shaqsiyad iyo dabeecad leh”.

Sikasta Waaya aragga reer talyaani  oo ka hadlaya waxa ay kooxdiisu u baahan tahay iyo xusuustii Bernabeu ayaa yiri: “Waxaanu u baahanahay in aanu ciyaarno kulan wayn si aanu u soo baxno, waxaanu haysanaa fursad ka yar intii aanu haysanay todobaad ka hor, laakiin wali waxaanu haysanaa fursad. Waxaan halkan soo joogay laba sanadood, waxaan waqtigaygii halkan  ku haystaa xusuus lama ilawaan ah. haa”.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close