Muxuu Ula Jeeday Neymar Dabaal Degii Uu Xalay Ka Sameeyay Kulankii Paris St-Germain Garaacday Kooxda Amiens?

Neymar ayaa rigoore dhaliyay, iyadoo Paris St-Germain ay 2-0 ku garaacday kooxda Amiens markaasoo ay iska xaadiriyeen semi-finalka koobka Faransiiska ee League Cup.

Cayaaryahankan reer Brazil ayaa haatan PSG ugu dhaliyay goolal  afar tartan oo kala duwan sida Ligue 1, Champions League, France Cup iyo France League Cup.

Goolhayaha Amiens Regis Gurtner ayaa casaan la siiyay kadib markii uu si qaldan u raacay weeraryahanka PSG Kylian Mbappe.

Neymar ayaa goolasha u furay kooxdiisa ka hor inta Adrien Rabiot madaxa ku dhalin goolka labaad ee Paris St-Germain.

PSG ayaan wax guul darro ah la kulmin 35 kulan oo xiriir ah oo ay ka cayaarta tartankaan, waxaana ugu dambeysay guuldarro kasoo gaarta afar sanno ka hor.

Sikastaba ha ahaateen Neymar ayaa dabaal deg layaab leh sameeyay markii uu goolka koowaad xalay u dhaliyay kooxda Paris Saint-Germain.

Neymar waxa uu sameeyay dabal degii uu caan ku noqday Ronaldo Nazario intii uu cayaarayay koobkii adduunka 1998dii, kadib markii uu madaxa saartay mid kamid ah koobihii uu ku cayaarayay.

Sidookale dabaal dega Neymar ayaa loo micneeyay inuu xayaysiin u sameynayay shirkadda Nike oo uu heshiis waqto dheer ah kula jiro.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close