Banadir FC Oo Wacdaro Ku Dhigtay LLPP Jeenyo Xilli Ay Goolal Badan Uga Badisay

Kooxda LLPP Jeenyo oo wacdaro lagu dhigay kadib Guul aan horey loo arag oo Banadir Sports Club ay guul ka gaartay naadiga LLPP Jeenyo oo 3 gool looga badiyay ciyaar aad u ukulul oo galabta ka dhacday garoonka Banadir Stadium ee degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho waxaana kulankaan uu ahaa kulan Warta nabadda darbi lagu magacaabay waxaana xusid mudan kulankaan in uu laba gool oo xiriir ah uu dhaliyay ciyaaryahanka Ajnabiga ah ee Marcel oo laba gool qurux badan u dhaliyay Kooxdiisa Banadir Sports Club halka goolka 3-aad ee ugu dambeeyey uu u dhaliyay ciyaaryahanka lagu magacaabo Benteke .

Ciyaartii galabta oo arboco ah dhacday ayaa noqoneeysa kulan xiiso usii yeelaya Horyaalka Kubadda Cagta ee Dalkeena Soomaaliya sababtoo ah Kooxda Banadir Sports Club waxa ay haatan dhibco ahaan heshay 30-Dhibcood oo kaalinta labaad ayay kujirtaa waxaana ka sareeysa naadiga shalay wacdaro ku dhigtay Elman ee Dekedda oo haatan ku hogaamineeyso 35-Dhibcood waxeyna ka dhigan tahay in 5ta dhibcood ee hartay hadii ay banadir Sports Club ay dadaasho ama ay badiso kooxda Banadir in weli lagu heysto ku guuleeysiga Horyaalka Soomaaliya Kooxda Dekadda oo haatan la leeyahay weyba ku guuleeysatay Horyaalka Soomaaliya waxaana haatan harsan labo kulan oo hadii ay badiso Naadiga Dekadda noqon doonto Horyaalka Kooxda Qaadi karta.

Kooxda LLPP Jeenyo ayaa iyaduna ku jirta kaalinta 6-aad ee Horyaalka Soomaaliya waxeyna leedahay 22-Dhibcood hadii ay galabta badin lahayd waxaa u muuqan lahayd in kaalin fiican ay ka gali karto horyaalka Soomaaliya balse guuldaradii galabta waxey hoos u sii dhigeeysaa rajadii ay ka qabtay horyaalka Soomaaliya in ay kaalmaha hore soo gasho.

Banadir Sports Club iyo LLPP Jeenyo

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close