Naadiga Dekadda oo cashir lama ilaawaan ah u dhigtay Waxool FC

LAACIB.SO : Kooxaha kubbadda cagta Dekedda iyo Waxool ayaa ciyaar xiiso ku yeeshay gegida Jaamacadaha,iyagoo wada ciyaaray kulan ciyaareedkii 45-aad ee Horyaalka Soomaliya 2016-2017 oo maraya meelaha xasaasiga ah.

Macalin Yuusuf Cali Nuur ayaa dar daro xoogan lasoo galay garoonka waxaana qeybtii hore Kulanka lagu kala baxay 3-0 waxaana goolasha u kala u dhaliyay xidigaha kala ah Towfiq Zakariye iyo Nyakidi Robert Onyango oo (No.5) u xerta Dekedda,xili labo gool laad toos ama (Free Kick) ka dhaliyay shabaqa ilaaliyaha naadiga Waxool FC.

Qeybtii labaad ee kulanka wiilasha Dekedda ayaa halkooda kasii waday duulaanka xaga goolasha waxaana afar gool oo kala qeybtii labaad u dhaliyay xidigaha kala ah Zakariye Towqfiq oo saddeley ansixyay,halka Xasan Siidow Cali iyo Cabdi Casiis Maxamed Cali (Homey) ay soo qatimeyn bandhigii wiilasha Dekedda.

Ugu dambeeyntii Kulankan oo ugu dambeeyay Wareega Horyaalka Soomaliya waxa uu kusoo idlaaya 7-1 oo ay guusha raacday wiilasha Macalin Yuusuf Cali ee Dekedda.

Naadiga Dekadda FC ayaa haatan soo gashay Kaalinta 3-aad ee Horyaalka waxeyna leedahay 16-Dhibcood iyo 13Gool oo farqiga goolasha ah waxaana macquul ah wiilasha Macalin Yuusuf in ay ku guuleeysan karaan hadii ay dadaal badan sameeyaan kulamada ama wareega labaad oo maalinta isniinta ah bilaaban doona.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close