Naadiga Dekedda oo iska xaadirisay sama fiinaalaha Koobka Janaraal Daa,uud

Kooxda Kubada Cagta ee Dekedda ayaa usoo baxday wareega xiga ee tartanka Koobka Janaraal Daa,uud Cabdulle Xersi, kaddib markii ay guul ka gaareen Kooxda darajada labaad ee Midnimo.

Kulanka oo ahaa mid aad uxiiso badan oo ay kasoo qayb galeen daawadayaal aad ufara badan ayaa qaybtii hore ee dheesha kusoo gaba_gaboobmay bar baro goola,aan ah 0-0, hase ahaatee qaybtii labaad ee dheesha Wiilasha Macalin Sandhool ayaa helay gool kulaad daqiiqadii 74-aad, hase ahaatee goolhaye Xasan Ibraahin Cali oo markii hore keenay gool kulaadka ayaa Kooxdiisa ka badbaadiyay nasiib wanaag markaas uu kubada ka qabtay Cayaariyahan Abuukar Axmed Muqtaar.

Si kastaba ha ahaatee Kabtanka labaad ee Kooxda Dekedda Bile ayaa gool usarifay Koorno ka timid dadabka midig ee garoonka daqiiqadii 83-aad ee dhamaadkii dheesha, taas oo Kooxda Dekedda u xaqiijisay in ay usoo baxaan wareega xiga ee tartankaan.

Kooxda Kubada Cagta ee Dekedda oo ah Kooxda xafidanaysa Horyaalka Soomaaliya ayaa sama fiinaalka tartankaan la Ciyaari doonta Kooxaha Jamhuuriya iyo Safana tii soo baxda, kuwaas oo beri ku Ciyaari doona gagida da, ada wayn ee Banaadir Stadium.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close