Naadiga Elman FC oo guul ka gaartay Kooxda Kubadda Cagta…

LAACIB.SO: Waxaa si xiiso badan uga socda garoomada Banadir Stadium iyo Garoonka Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho kulamo ka tirsan horyaalka heerka koowaad ee dalkeena soomaaliya waxaana fooda is daray kooxaha kala ah Waxool FC iyo Elman FC oo ku wada ciyaarayay garoonka Banadir Stadium ee Degmada C/casiis waxeyna ciyaarta qeybtii hore lagu kala nastay 0-1 ay gool ku hogaamineeysay ciyaartooyda kooxda Elman FC oo galabta aad moodo in kubado badan ay dhalin lahaayeen laga difaacay.

Ciyaarta oo laga filan karay wacdaro in ay dhigto naadiga Elman FC balse waxaa dadaal badan ay sameeysay kooxda Waxool ay u suurta gashay qeybihii dambe ee ciyaarta in gool kale laga dhaliyo ciyaartuna ay sidaas kusoo idlaatay 90-kii daqiiqo ee loogu talagalay iyo daqiiqadihii dheeriga ahaa sidaana looga adkaaday 2-0.

Elman FC ayaa sidaan booska labaad ku soo ciririsay naadiga haatan kaalinta koowaad kaga jiro horyaalka dalkeena soomaaliya ee Dekadda kadib farqiga goolasha oo ay nasiib u yeelatay naadiga Dekadda in ay 21-Gool kaga sara marto naadiga Elman oo asigana haatan leh 20-Gool sidaasna ay booska labaad ku fariisatay kooxda Elman FC, Dhanka kalena Kooxdii galabta la ciyaareeysay Elman FC ee Waxool ayaa weli ku jirta kaalineedii 9-aad iyadoo weli leh 4-tii dhibcood ee ay horey u lahayd.

Ugu dambeeyntii kulankii kale ee lagu ciyaarayay Garoonka Jaamacadaha ay ku wada ciyaareen kooxaha Horseed iyo Gaadiidka waxey ku soo idlaatay 2-1 oo ay ku badisay naadiga Horseed waxaana sidaasi ay ku tagtay kaalinta 4-aad iyadoo leh 20-Dhibcood halka naadiga laga badiyay ee Gadiidka ay weli sii joogaan kaalinta 7-aad iyo 13-Dhibcood.

Lasoco horyaalka Dalkaaga Soomaaliya kalana soco LAACIB.SO

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Close
Close