Naadiga Elman FC oo wacdaro ku dhigtay Banadir Sports Club !!

Laacib.so : Galabta oo jimco ahayd waxaa kulan muhiim ah dhexmartay labada naadi ee sida aad ka u ah u xifaaltama Elman Sports Club iyo Banadir Sports Club waxaana galabta usoo daawasho tagay dadweyne aad u fara badan, maadaama maalin jimco ah oo nasasho ah ay tahay dadweyaha waxey jaanis u heleen in ay u daawasho tagaan garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxey noqotay mid looga gacan sareeyey naadiga Banadir Sports Club waxaana gool iyo waxba lagula maray qeybtii hore ee ciyaarta goolkasina waxaa u dhaliyay ciyaaryahanka Numberka 7-aad u sita Kooxda Elman FC ee Zimbaawi oo ka soo jeeda Gobolka SHabeelaha Hoose ee Afgooye, waxaana xusid mudan numberka uu wato ee 7-aad in uu sidan jiray Sacad Saalax Xuseen oo asigana goolal badan ka dhaliyay horyaalka Dalkeena Soomaliya.

Isku day badan oo ay sameeyeen naad
iga Banadir Sports Club si ay usoo barbareeyan uma aysan suurta galin waxaana ciyaarta ay sidaasi ku soo idlatay daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray 0-1 oo ay guul ku gartay naadiga Elman FC, dhanka dhibcaha waxaa weli hogaanka heeysa naadiga Banadir Sports Club waxeyna leedahay 23-Dhibood halka Naadiga Galabta badiyay ee Elman FC ay soo gashay Kaalinta 2-aad waxeyna leedahay 22-Dhibcood.

Elman FC oo guul ka gaartay naadiga Banadir Sports Club

 

Lasoco mar walba horyaalka Dalkaaga Soomaaliya kalana soco LAACIB.SO

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close