Neymar ma ciyaarayo kulanka Elclasico arimo badan oo anshaxa ah ayaa lagu heystaa!!

LAACIB.SO : Ciyaaryahanka u dhashay wadanka Brazil una ciyaara naadiga Barcelona Kadib guul-darradii xanuunka badneyn ee Barcelona ka soo gaartay Malaga,kooxda Luis Enrique ayaa kullanka El Clasico ee 23-ka bishan April waayi karta adeegga laacibkeeda Neymar kulamada soo socda.

Dhex dhexaadiyihii cayaarta ayaa wiilkan reer Brazil ku abaal-mariyay labo (2) Jaalle, kadibna waxaa loo sii raaciyay kaarka CAS,taasoo ka dhigan inuu sharci ahaan ku seegi doono kulanka soo socda ee Real Sociedad ay la ciyaari doonto.

Laacibkaan Neymar ayaa lagu eedeeyay inuu si jees-jees ah ugu sacbiyay garsooraha 4-aad,kahor intii aannu u sii gudbin qolka dhar-baddelashada,waana sababta uu ganaax dheeraad ah u gala kulmi karo guddida anshaxa ee horyaalka Spain oo haddaba dood ka leh dhacdadan uu sameeyey ciyaaryahan Neymar.

Garsooraha Gil Manzano ayaa lagu yiri “Markii garoonka laga saaray Neymar Da Silva Santos J oo ka tirsan Barcelona waxaa uu si aan fiicneyn ugu sacbiyay garsooraha 4-aad ee ciyaarta”.

Sofiane Feghouli oo ka tirsanaa kooxda Valencia ayaa sida Neymar oo kale ugu sacbiyay garoosaraha 4-aad kadib markii uu qaatay kaarka gaduudan, ciyaar ay kooxdiisa wajahday Real Zaragoza, sanaddii 2012-kii,waxaana la ganaaxay saddex kullan oo xiriir ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close