Neymar Oo 4 Xiddig Oo Barcelona Ah Ku Casuumay Xaflada Dhalashadiisa & Sababta Ay Uga Qayb Qaadan Wayeen Oo La Ogaaday

Neymar ayaa sanadkaan dhigtay xaflad dhalasho oo cajiib ah, xafladiisa dhalasho ayaana ahayd mid si wayn looga dareemay magaalada Paris.

Xiddiga reer Brazil ayaa 26-jirsaday, wuxuuna qorsheeyay inuu dhalashadiisa u dabaal dago 3-habeen oo xiriir ah, axad, isniin iyo talaado.

Sida uu baahiyay Sport, Neymar ayaa casuumaad u fidiyay asxaabtiisii hore ee Barcelona si ay uga qayb qaataan xaflada dhalashadiisa laakiin sidii uu rabay ma dhicin.

Axadii Barcelona ayaa la cayaartay kooxda Espanyol kulan adag, kooxda ayaana lagu celiyay barbaro 1-1 ah, suurogalna ma ahayn in cayaartoyda ay u safraan Paris isla waqtigaas.

Sidoo kale, cayaartoyda Barcelona ayaa isniintii sameeyay tababarka ay ugu diyaar garoobayaan kulanka lugta labaad ee Copa del Rey, sidaas darteed ayeey u seegeen xafladii labaad ee xalay la dhigay.

Messi, Suarez, Pique iyo Coutinho ayaa u diyaar garoobayay inay maanta u safraan Paris si ay uga qayb galaan xaflada ugu danbaysa oo dhacaysa caawa, laakiin nasiib xumo diyaaradii ay ku qornaayeen ayaa baaqatay kadib markii la sheegay in cimiladu ay xunyihiin diyaaraduna ay adagtahay inay baxdo

Dhamaan cayaartoydaan ayaa saaxiibo dhaw la ah Neymar inkasta oo uu ka tagay Barcelona suuqii xaggaaga

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close