Neymar Oo Coutinho Siiyay Talo Ku Aadan Xiisaha Barca Kaga Imaanaya Xiddigaan, Maxay Tahay Taladiisa?

“Neymar ayaa wuxuu ku yiri Coutinho, haku biirin Barcelona,” waxaa sidaas laga soo xigtay Majalada Brazil kasoo baxda ee Estadao

Laacibkii hore ee Naadiga Barcelona ee dalka Spain, islamarkaana haatan ka ciyaara Horyaalka dalka Faransiiska, gaara ahaan Kooxda PSG ayaa waxaa lagu waramayaa in Coutinho uu kula talaliyay in uusan ku biirin Naadiga Barca, sida ay sheegeyso Majalada Estadao.

Labadaan laacib ayaa waxay haatan kamid yihiin safka Xulka qaranka kubada cagta Brazil ee waji doona dalka Ecuador, kulan dhawaan dhici doona, waxaana, ay tababar ku sameynayaa dalkooda, iyadoona sheekadaan ay tahay mid ka careysiin karta Taageerayaasha Barca.

Coutinho ayaa wuxuu bartilmaameed uyahay Bluagrana, waxayna dooneysaa inay ku buuxiso, booska uu baneeyay isla wiilkaan oo Faransiiska 222 Malyuun, kaga dhaqaaqay La Liga, waxaana ay sheegeysaa inay ku dhow dahay inay kusoo qaadato aduun dhan 177 Malyuun.

“Neymar ayaa wuxuu ku yiri Coutinho, haku biirin Barcelona,” waxaa sidaas laga soo xigtay Majalada Brazil kasoo baxda ee Estadao, iyadoona wiilkaan uu muujinayo inuu wali u careysan yahay Maamulka Barcelona, kuwaasoo uu kal hore uu sheegay inay kula dhaqmeen si xun.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close