Neymar Oo Ka Dalbaday Rea Madrid Saxiixa Hal Ciyaaryahan Haddii Ay Doonayaan Inuu Usoo Wareego Los Blancos- Waa Kuma

NEYMAR ayaa u sheegay Real Madrid inuu u dhaqaaqi doono Bernabeu kaliya haddii marka hore ay la wareegaan daafaca ay isku kooxda yihiin ee Marquinhos.

Los Blancos ayaa ka hooseysa 16 dhibcood kooxda Barcelon, waxaana ay kujiraan bilowgii ugu xumaa horyaalka La Liga.

Qeybtii hore ee xili cayaareedka kooxda reer Catalan ayaa si fiican u cayaartay, waxaana ay ku dagaalami doonaan qeybta labaad ee La Liga Philippe Coutinho oo kaga soo biiray Liverpool.

Barcelona ayaa weli rajo ka leh saxiixa Antoine Griezmann, iyadoo madaxweyne Josep Maria Bartomeu uu ballan qaaday in xiddigo heer caalami lagu soo kordhin doono kooxdiisa.

Taas bedelkeeda, Cristiano Ronaldo ayaa ka tagi kara Real Madrid, iyadoo Florentino Perez iyo xiddiga Portugal uusan wanaagsaneyn xiriirka ka dhaxeeya.

Neymar is close friends with Marquinhos from their days with the Brazil squad

Magaca sida joogta ah loola xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo caasimadda Spain waa Neymar, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan inuusan ku farxsaneyn nolosha Paris Saint-Germain.

Waxa uu kaliya ka tagay Barcelona xagaagii lasoo dhaafay markii lacagta dunida ugu qaalisan ay bixisay koooxda ka dhisan France.

Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska Spanish-ka ee Mi Otra ayaa sheegaya in Neymar uu kaliya diyaaar u yahay inuu ku biiro Real Madrid haddii Marquinhos qadaneyso kooxda ka dhisan Caasimada Spain.

Daafaca dhexe ayaa diyaar u ah inuu ka cayaaro meel ka baxsan caasimadda Faransiiska, iyadoo Real Maadrid ay kamid tahay dhowr koox oo xiiseynaya.

Sergio Ramos iyo Raphael Varane ayaa haatan ah labada cayaaryahan ee daafaca dhexe kaga cayaara kooxda Real Madrid, laakiin Zinedine Zidane ayaa u baahan daafac dheeraad ah

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close