Neymar Oo Ku Guuleystay Laacibka Ugu Fiican Dalkiisa Xili Uu Ku Garaacay Xidig Real Ka Tirsan

Neymar ayaa wuxuu ku guuleystay abaalmarinta loo yaqaan Samba d’Or, markii Sadexaad ee xirfadiisa, iyadoona Biladaan la gudoonsiiyay xidiga sanadkaas ugu wanaagsan xidigaha Brazil kasoo jeeda ee Yurub ka dheesha.

Jaa’izadaan ayaa waxaa ucodeeyay taageerayaasha, Wariyaasha iyo ciyaartoydii hore ee qaran Brazil, ma ahan dhamaantooda waa kuwa si gaar ah loosoo xushay, waxaana sida iska uu ku muteystay wax qabadkiisa sanadkii tegay.

Super Star-ka PSG ayaa wuxuu hada yahay midka ugu qaalisan ee aduunka kadib markii uu kaga soo biiray PSG, xagaagii hore naadiga Barcelona, xili ay kusoo iibsatay aduun dhan 222 Malyuun, taasoo dunida ka yaabisay.

Tani ayaa waxay keentay in Neymar, uu kula midoobo kooxda PSG, saaxiibo badan oo reer Brazil, waxaana kamid ah Thiago Silva, kaasoo dhankiisa codeynta kasoo galay kaalinta Sadexaad marka laga hadlo Abaalgudkaan.

Neymar ayaa wuxuu ku garaacay abaalmarintaan xidigo badan, kuwaasoo uu ugu horeeyay Kabtanka labaad ee Real Madrid, wiilka lagu magacaabo Marcelo, waxaana sidoo kale ku jira xidiga Liverpool ee Philippe Coutinho.

Sikastaba, saandkii 2016 waxaa abaalmarintaan la gudoonsiiyay xidiga Liverpool, islamarkaana aadka loola xiriirnayo Camp Nou, ee Philippe Coutinho, iyadoona sanadkaas uu labad soo galay Marcelo.

Liiska Xidigaha Ku Guueystay Biladaan Tan Iyo 2008 Hoos Ka Arag:
2008 – Kaka
2009 – Luis Fabiano
2010 – Maicon
2011 – Thiago Silva
2012 – Thiago Silva
2013 – Thiago Silva
2014 – Neymar
2015 – Neymar
2016 – Philippe Coutinho
2017 – Neymar

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close