Neymar Oo LABA Shardi Oo Waa Weyn Ku Xirey In Xagaagan Uu Kusoo Biiro Real Madrid

Xidigaan reer Brazil oo uga biiray Barcelona, xili ciyaareedkii hore dhigeeda  Paris Saint-Germain, ayaa waxaa la sheegayaa inuu yahay mid aad u xiiseynaya inuu maalin un, u xirto Maaliyada Real Madrid.

Waxaana sidoo kale, xiiso waali ah uqabta Madrid, iyadoona taasi ay tusaale uga filan tahay kadib markii Madaxweynaha Los Blancos, ee Perez, uu si aan ka gambasho lahayn usheegay inay jeclaan lahaayeen soo qaashada Neymar.

Sida laga soo xigtey Majalada Don Balon ee kasoo baxda wadanka Spain, Neymar ayaa wuxuu miiska u saarey maamulka Madrid, labo shardi oo waa weyn si uu xili ciyaareedkan ugu soo wareego Boqorada La Liga.

Waxaa la sheegay in Neymar, uu doonaya in ka hor inta uusan imaan Bernabeu, loo xaqiijiyo inuu noqon doono midka koowaad ee ugu muhiimsan Madrid, xili uu hada yahay xidigaan Cristiano Ronaldo.

Tani ayaa ka dhigan in imaanshaha Madrid ee Neymar ay ku xiran tahay in meesha laga saaro midkood Cristiano Ronaldo and Gareth Bale, waa hadii ay rabaan maamulka Real, Neymar, sida ay leedahay Don Balon.

Neymar ayaa hada ah, ciyaaryahanka aduunka ugu qaalisan, waxaana lagu qiimeyaan aduun lacageed dhan 222 Malyuun, isagoona ah ka sareeya Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, oo xidigaha aduunka ugu fiican ah hadda.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close