Neymar oo seegi doono kullanka soo socda horyaalka Spain

Xiddiga kooxda Barcelona ee Neymar ayaa seegi doono kullanka soo socda kooxdiisa horyaalka Spain ay la ciyaari doonto naadiga Eibar.

Garabka reer Brazil ayaa qaatay karkiisii shanaad ee digniinta kullankii xalay daqiiqaddii 87’aad ee ciyaarta waxaana sidaas uu ku seegayaa kullanka soo aadan.

Neymar ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan Barcelona waxaana kooxdiisa uu u dhaliyay 19 gool horyaalka La Ligaha Spain.

Sikastaba Jariiradda AS ayaa baahisay in Neymar uu seegi doono kullanka soo socda mahdaama ay u buux sameyn kaarka digniinta ah.

Related Articles

4 thoughts on “Neymar oo seegi doono kullanka soo socda horyaalka Spain”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close