In Neymar Uu Hogaamin Karo Brazil & Carlos 3 Xul U Saadaaliyay Koobka Aduunka 2018

Roberto Carlos oo ah xubin kamid ah safiirada dalalka caalamka u fadhiya Real Madrid, ayaa wuxuu shir Jaraa’id uu ka sheegay in laacibka PSG, ee Neymar uu bandhig fiican ka sameyn doono koobka aduunka ee 2018.

Wuxuu sheegayaa in Neymar, uu lee yahay awood uu ugu hogaamiyo qarankiisa inay guulo fiican ay kasoo hooyaan koobkaan, wuxuuna u rajeeyay inayba kasoo qaadaan magaalada Moscow, ee dalkaas Ruushka.

Carlos, oo ka hadlay kalsoonida uu ku qabo in Brazil ay kasoo kabato xasuuqii 7-1, oo ay kusoo daareen Germany, koobkii ay iyaga ay marti gilyeen ayaa yiri: “Kooxda dib u habeen badan ayaa lagu sameeyay waana ku kalsoonahay.

“Waxaan helnay macalin cusub, waxaana ku kalsoon nahay xaalada aan maanta aan ku jirno, waxaan haysanaa macalin fiican iyo ciyaartoyda aduunka ugu fiican iyo waliba hogaamiyaal, wanaagsan,” ayuu sii raaciyay.

“Neymar, Willian iyo Thiago Silva, waa qeyb kamid ah, ciyaartoyda aan ku tashaneyno inay soo qaadaan koobkaan, waxaana filayaa inaan meel wacan aan ka gaarno koobka aduunka ee Ruushka,” ayuu sii raaciyay.

Gaba gabadii Roberto Carlos, ayaa wuxuu u saadaaliyay xulalka kala ah: Brazil, Germany, Spain iyo Argentina, inay ku guuleysan doonaan koobka aduunka ee 2018, kaasoo ah mid ay wada sugayaa dadka oo dhan.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close