OGOW: LIX Ciyaaryahan Oo Ka Tirsan Kooxda Real Madrid Oo Sanadkan Murashixiin Ah

11-ka xiddig ee loosoo xulay inay noqdaan kuwa ugu wanagsan ee Koobka Champions League, ee xilli ciyaareedka 2016-17, ayaa waxaa LIX kamid ah ay ka tirsan yihiin Bororadda horyaalka Spain, ee Real Madrid.

LIXDAAN laacib ayaa waxay ka kala dheelaan Boosaska Daafaca, Khadka Dhexe iyo weerarkaan waxaana ay kala yihiin Marcelo, Sergio Ramos Casemiro, Kroos, Modric iyo Laacibka Koowaad ee Madrid Cristiano Ronaldo.

Dhamaan xiddigaha ku jira kooxda sanadka ee Champions League ayaa waxay kala yihiin dhankooda Marcelo, Ramos, Casemiro, Kroos, Modric and Cristiano Ronaldo feature in the list alongside Buffon, Bonucci, Dybala, Neuer, Oblak iyo Messi.

Ku guuleystayaasha ayaa waxaa ucodeyn doono 32 macalin oo ka mid ah kooxihii kasoo qeybgalay Koobka Champions League, heerkiisa Groups-ka iyo sidoo kale 55 Wariyaal oo ay soo xushay Hay’adda (ESM), oo dhanka Saxaafadda qaabilsa.

Sidoo kale, ku guuleytaha ayaa waxaa lagu dhawaaqi doonaa marka la sameynayo Isku aadka Champions league-ga, kaasoo dhacaya 24 bishaan, wuxuuna ka dhacayaa Monaco, waxaana Jaa’izada la siin doona Haweenka kubadda cagta iyo Raguba.

Musharashaxiinta Shabaq waardiyeeyaha UEFA Champions League fasal ciyaareedka 2016/17 ugu wanagsan ayaa waxay kala yihiin:

1: Buffon oo ka tirsan Juventus

2: Neuer oo ka tirsan Bayern Munich

3: Oblak oo ka tirsan Athletic De Madrid

Murashixiinta Daafaca ugu wanagsan: Marcelo, Sergio Ramos iyo Bonucci.

Musharashixiinta Khadka Dhexe ee ugu wanagsan: Casemiro, Kroos iyo Modric.

Murashaxiiinta Gooldhaliyaha ugu fiican: Cristiano Ronaldo, Dybala iyo Messi.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close