Ogow Wax Kastoo Uga Baahan tahay Gadiidka VS Waxool Galabta ,Cali Oo Ka Hortagaya Kooxdiisii Hore Elman

Garoonka Jamaacadaha degmada Hodan ayaa waxa uu marti gelindoonaa kulan ciyaareed xiiso badan uu dhexeeya kooxaha kubbadda cagta Dekedda iyo Elman,iyagoo wada ciyaaridoono kulan ciyaareedkii 34-ee Horyaalka Soomaliya 2016-2017.

Kooxda Dekedda kulankii ugu dambeeyay waxa ay guul weyn ka gaartay kooxda Muqdisho United,ciyaar ku dhamaatay 6-0,wiilasha Dekedda waxa ay ku jiraan booska 5-aad,iyagoo leh 9-dhibcood.

Wiilasha Elman iyagana kulankii ugu dambeeyay waxa ay barbaro 1-1 la dhaafi waayeen kooxda Jeenyo,balse iyaga waxa ay ku jiraan booska 3-aad ee kala sareynta horyaalka iyagoo leh 13-dhibcood.

Hadaba Yaa Seegay Labada Koox Maxaase Ku Cusub

  1. C/Kariim Cabdalla Maxamed (Qubaaye) ayaa si rasmi ugu soo Laabtay kooxdiisa Dekedda, safar uu kaga maqnaa dalka Bangladesh
  2. Yuu Cali ayaa ka hor imaanay kooxdiisa hore Elman oo in badan lasoo qaatay waqti wacan iyo koobab badan
  3. C/Casiis Catoosh ayaa ka hor imaanay iska ku sugan Dekedda,xili uu horay ugu ho imaaday,isagoo ku sugan kooxdiisii hore Jeenyo.

4.labada koox waxaa kaarka casaanka kaga maqan xidigaha kala ah Cabaas iyo Nyanzi, Dekedda waxaa ka maqan Cabaas Amiin Maxamed,halka Nyanzi Ronaldo oo kulankii Jeenyo qaatay calaamada casaanka,xili labada ciyaartooy ay dib u soo laabanayaa wareega labaad ee horyaalka Soomaliya 2016-2017.

Dhinaca kale kooxaha Waxool iyo Gadiidka ayaa iyagana ku balansan garoonka Banaadir Stadium,iyagoo wada ciyaaridoono kulan ciyaareedkii 33- ee Horyaalka Soomaliya

Waxool kulankii ugu dambeeyay waxa ay guul daro 1-0 kala kulmeyn dhigooda Bariga Dhexe,Waxool waxa ay fadhisaa booska 9-aad,iyadoo 3-dhibcood.

Wiilasha Gadiidka iyagana kulankii ugu dambeeyay waxa ay guul daro 2-1 kala kulmeyn dhigooda Banaadir SC,Gadiidka waxa ay ku jurtaa booska 7-aad,iyadoo leh 7-dhibcood.

Is Araga Kooxaha Dekedda VS Elman

03/02/2014 Elman FC 2:0 Dekedda

05/04/2014 Dekedda 0:3 Elman FC

29/12/2014 Elman FC 1:1 Dekedda

27/03/2015 Dekedda 2:0 Elman FC

01/02/2016 Elman FC 0:1 Dekedda

26/04/2016 Dekedda 3:0Elman FC

Is Araga Kooxaha Waxool VS Gadiidka

24/02/2016 Gaadiidka 2:1Waxool FC

13/05/2016 Waxool FC3:2Gaadiidka

Ogeysiiska Kulanka

Tartanka:-Horyaalka Soomaliya 2016-2017

Kooxaha:-Dekedda VS Elman Jamaacadaha Stadium

Kooxaha:-Waxool VS Gadiidka Banaadir Stadium

Tariikhda:-03-03-2017

Saacada:-3:45pm

Cimilida Xiliga Ciyaarta: 32°24°

Qiimaha Kulanka:-10.00 Shilling Somali

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close