Paris Saint-Germain oo kala geysay Neymar iyo Qoyskiisa laacibku ka shalaynayo haatan go’aankii uu ugu wareegay kooxda Paris

Saxafi Reer Brazil oo aad ugu dhow laacibka kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka Brazil, Neymar ayaa ka dhawaajiyay in laacibku ka shalaynayo haatan go’aankii uu ugu wareegay kooxda Paris, maadaama arrintaasi keentay in ay kala fogaadaan isaga iyo qoyskiisa oo mar walba dhinac taagnaan jiray.

Weriye Marcelo Beschler, oo ahaa ninkii ugu horreeyay ee shaaciyay sheekadii ahayd in Neymar ku biirayo PSG ayaa warbixin uu ku qoray Wargeyska ‘Lance!’ ee Brazil ka soo baxa waxa uu ku sheegay in Neymar lacagtii faraha badneyd ee uu ku doortay PSG ay usoo jiidday cadow fara badan iyo bulshadii oo ka hor timid iyo weliba saaxiibadiisii ugu dhow dhowaa.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay weriye Marcelo in arrinta ugu weyn ee dhibka ku haysa Neymar ay tahay maadaama qoyskiisu ay diideen in ay ku noolaadaan Paris, waxaana wiilkiisa 5 jirka ah uu haatan la nool yahay Ayeeydiis oo deggan guri uu Neymar ku leeyahay Barcelona, iyadoo Neymar hooyadii ay diidday in ay soo aaddo Paris, sidaana uu laacibkani isagoo keli ah ku nool yahay Magaalada Paris

Neymar ayaa qoyskiisa la noolaa xitaa markii uu joogay Barcelona iyo xitaa markii uu tagay kooxda santos 4 sano ka hor.

Sidoo kale weriyaha oo hadalka sii wata ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciyaartoyda PSG oo muddo kooxda u ciyaarayay iskuna dayay in intii karaankooda ah ay naadiga sare u qaadaan ay haatan dareemayaan in uu ka magac weynaaday xiriir fiicanna kala dhexeynin.

Geba-gebadii Beschler waxa uu iftiimiyay in mustaqbalka ay dhici karto in Neymar uu xirto funaanadda kooxda Real Madrid, wuxuuna yiri:

“Dhab ahaantii Neymar hal maalin si sare iyo si hooseba uma oran inuusan dooneyn in uu xirto funaanadda kooxda Real Madrid ku ciyaarto, maadaama uu horey ugu soo dheelay Barcelona, waxaana u malaynayaa in uu mustaqbalka Real Madrid ku biiri doono, waayo weli wuu yar yahay mustaqbal ayuuna leeyahay, xiriirka uu la leeyahay Barcelona waa xiriir caadi ah, waayo ma gaarsiisna heerka Messi, Xavi iyo Puyol ka joogaan Barcelona oo ay isaga diideen in ay gashtaan funaanadda Real Madrid”.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close