Paul Pogba oo dhaawaciisa war kasoo baxay intee garoomada seegi doonaa ugu yaraan

Manchester United ciyaaryahankeda dhexe ee Paul Pogba ayaa garoomada ka maqnaan doono mudo dhan lix bilood kadib markii uu dhawac ka soo gaaray kulankii Champions League ee kooxda Basel la ciyaareen .

Laacibka dalka Faransiiska ayaa waxaa la saaray scans maalintii arbacad ah waxaana la xaqiijiyay in dhawaciisa uu qaadan doono mudo fog .
Xiddiga Pogba waxa uu maqnaan doonaa kulumo muhiim ah sida kulanka Horyaalka Premier League ay la ciyaari doonaan kooxda Liverpool 14 October.
Pogba waxaa uu maqnaan doonaa kulumada Naadiyaasha Everton, Southampton iyo Crystal Palace, kulanka League Cup la balansanyahiin kooxda Burton iyo Champions League u safri doonaan CSKA Moscow 27 September.

Waxaa sidoo kale uu seegi doona kulanka isreebreebka koobka aduunka ay la ciyaari doonaan France xulkiisa wadanka Bulgaria

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close