Paul Pogba Oo Ka Hadlay Hadii Man City Ay Ka Faramaroojin Karaan Horyaalka Premier League

Xidigaan oo khadka dhexe uga dheela Manchester United ayaa wuxuu aaminsan yahay in wali ay macquul ay tahay in Manchester City oo EPL, hogaamineysa ay ka faramaroojiyaan Premier League.

Isagoo la hadlayay warbaahinta kadib kulankii ay Stoke City ku garaaceen 3-0 habeenkii Isniinta ayaa wuxuu tilmaamey Pogba in kooxdiisa aysan isdhigan doonin, islamarkaana ay dagaalami doonto illaa iyo dhamaadka.

Wiilkaan Faransiiska kasoo jeeda ayaa wuxuu cadeeyay in inkastoo ay Man City tahay mid guuleysaneysa had iyo jeer, ay ku dadaali doonaa dhankooda inay guul ay helaan ciyaar kasta.

Wuxuu yiri: “Waan ognahay in Manchester City ay tahay mid guuleysaneysa had iyo jeer, laakiin waxaan sameyn doona wax walba si aan u gaarno hadafkeena.

Wuxuu intaas ku daray: “Sida iska cad Man City, oo horteena jirta waxay khasaareen kulankooda ugu horeeya, marka waxaan dooneynaa inaan ka faa’ideysano oo aan soo qabano.

Wuxuu sii daba dhigey: “Laakiin waxaa inaan ka fikirnaa inagana sidii aan ku badin lahayn kulan kasta, oo aanan lumin dhibcooyin badan.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Waxaan uwada fadhinaaa sida ay wax noqdaan kulanka aan wada dheeli doono tobaadka soo aadan.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close