Pellegrini Tababarihii Hore Ee Real Oo Soo Bandhigay Hal Arin Oo Ay Madrid Kaga Adag Tahay Kooxaha Kale

Manuel Pellegrini, macalinkii hore ee Naadiga Real Madrid iyo kooxo kale oo aad u badan, islamarkaana qaarada Yurub ka ciyaara, ayaa wuxuu sheegay in waqtigii uu Los Blancos maamule ka ahaa ay ahayd, xilligii ugu xumaa nolashiisa Kubadda cagta, intii ku guda jiray.

Wuxuu sheegay in Madrid loo noqdo tababare aysan ahayn, wax sahlan, islamarkaana waqtiyada aad joogto lagaaga baahan yahay inaad si adag ushaqeyso, wuxuuna hadalkiisa kusii daray in wax kaliya ee ay kaga duwan tahay ay tahay Kooxaha kala maamulkaa laacibiinta.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in Ronaldo uu yahay Muskhliada ugu badan ee Cad Cadka joogo, islamarkaana marka aad joogto caasimada Spain, lagaaga baahan yahay inaad Koolkooliso, sida laga dhadhansan karo hadalkiisa oo uu sheegay inuu Mixnad gooni ah uu yahay.

“Markii aan joogay Madrid, waxay ahayd, xilligeygii ugu xumeed ee isoo marta, intii aan macalin ahaa, kooxdu oo dhan ma ahayn, kuwa dhameystiran, Ronlado ayaa dhaawac ahaa, saxiixyo fiican iyo xiddigo waa weyn ayaa keenay, waxaan haysana weeraryahano badan balse Khadka dhexe ayaa nagu yaraa.

“Waxaan ka tegay, anigoo maray Tijaabo Kharaar, kuma aanan guuleysan Koobab fara badan, balse waxaan sameeyay Dhibco badan ayaan uruuriyay, oo Rikoor ah,” ayuu hadalkiisa kusii daray ninkaan haatan macalin ka ah Naadiga Hebei China Fortune, oo Shiinaha ka dhisan.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close