Pellegrini:Taageraha City way igu xasuusan doonan habka weerarka aan ciyaarsiiyo kooxda”

http://static.goal.com/di/

Macalinka naadiga Manchester City Manuel Pellegrini ayaa aaminsan in taageeraha kooxdiisa ay noqon doonan kuwa mar walba ku xasuusta shaxda weerarka uu ciyaarsiiyo City, marka uu isaga tago kooxda.

Tababarahan rer Chile ayaa heshiis labo sanno usaxiixay bishi August, laakin waxaa laisla dhexmarayaa in macalinka Bayern Munich Pep Guardiola uu shaqada ka badali doona Pellegrini xagaga xiga.

Pellegrini ayaa ah mid walwal aanan ka qabin  shaqadiisa, isaga oo sheegayna in la xasuusan doono taatikada weerarka ee uu ciyaarsiiyo City.
“Aniga, waxa iigu muhiimsan 2 sanno aan hayo kooxda, waxana halkaan ujoogaa Style-ka weerar ku saleysan ee aan wato, kaasoo aanan badali doonin weligay,” Pellegrini ayaa sidaa sheegay.

“Waa hab soo jiidasho leh, taagerahana waa kuwa jecel qaab kaas, waana sii wadi doonaa uciyaarida habkaas.

“Waxad leedahay hab kuu qaas ah. Waxana macquul ah in mararka qaar aadan natiijo kahelin bananka Etihad Stadium, laakin waxan umaleynayaa habka aad ku kasban karto guul in aad ahaato mid weerar ahaan uciyaara, aadan noqon mid qaab daafac ah udheela.”

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close