Pep Oo Ka Hadlay Rajadooda UCL, Hadii Ay Ka Baqayaan Kooxaha Weyn & Heerka Ku Qancaan

Pep Guardiola, ayaa sheegay in gaaritaankiisa Rubuc dhamaadka Champions League ay ku filan tahay iyaga, inkastoo uu cadeeyay in uusan ogeen hadii ay diyaar yihiin inay ku guuleystaan Champions League.

City ayaa hada kaalinta koowaad kaga jirta Premier League, waxayna sidoo kale ay meel fiican ay ka joogtaa koobabka FA Cup iyo League Cup-ka, kuwaasoo laga dheelo gudaha dalka Ingiriiska waana Tartamo Maxali ah.

Sikastaba, Man City ayaa kaliya gaartay afar dhamaadka Champions League hal jeer, waana xiligii uu hogaaminayay Manuel Pellegrini [2015/16] – Xagaagii hore kooxda Monaco ayaa kasoo reebtay tartankaan Kooxii uu waday Guardiola.

Mar la weydiiyay hadii ay ka baqayaan kooxaha waa weyn inay ku beegmaan Champions League ayuu ku jawaabay Guardiola: “Ma aqaano, hadii aan diyaar unahay ama in kale.

Image result for Pep Guardiola

“Tartankaan waa mid qaas ah, waadna ogtihiin midaas, laakiin ma jiraan wax shaki ah, waxaana leenahay Kalsooni badan oo aan ku qabno wiilasheena.

“Waqti kooban, hadii aan gaarno Rubuc dhamaadka, waa mid nagu filan, Hiigsigeenu waa inaan gaarnaa meel ka fiican sanadkii hore.

“Waqtiyadda xun, kooxuhu waa ay is-daaweeyaan, khibradeyda ahaan tartankaan waa mid gaar ii ah, mana beenineyno inaan sanadkaan ka fiicanahay kii hore,” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Pep.

Ugu dambeyn, Pep ayaa si lama filaan ah wuxuu ugu dhawaaqay in kulanka ay la dheeli doonaa Talaada kooxda FC Basel, uu diyaar uyahay ciyaaryahankooda dhaawac uga maqnaa ee Leroy Sane, uuna kusoo laabtay tababarka.

Leroy Sane was expected to be out injured until March, but is already back in training for Manchester City

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close