Phil Thompson oo soo xushay shaxda isku dharka ah ee kooxaha liverpool iyo manchester unitted iyo xidigo muhiim ah oo ka maqan…

Difaaci hore ee kooxda liverpool hadana aha falanqeeye iyo khabiir ka tirsan warsidaha sky sports phil thompson ayaa soo xulay shaxda isku dharka ciyaartoyda liverpool iyo unitted kuwaa oo caawa kulan ka tirsan horyaalka premier league isaga hor iman doonan garoonka anfeild road ee gobolka mereyside-ka ee cariga england.

falanqeeye thompson oo ka qeyb galaye barnaamijka ka baxaye sky sports kaa oo loogu falanqoonaye kulankan ayuu soo xushay shaxda uu u arko iney yihiin ciyaartoyda labada dhinac ugu haboon.

waxaa uu haxdiisa goolka uu u galiye goolhaya wadanka spain iyo kooxda red devills david de gea waxaa uuna soo xulan gool hayaaasha liverpool Simon Mignolet iyo Loris Karius.

sedex difaac oo liverpool ah ayuu usoo xushay difaacyada shaxda isku dhafka ah.difaaca  midig ayaa waxa uu soo xushay ciyaaryahanka danbeedka midig kaga ciyaara kooxda liverpool iyo england natheil clyne halka dhinaca bidix uu u soo qaatay james milner,chris smalling oo manchester ah iyo dejan lovren oo reds ayuuna difaacyada danbe uu ka dhigay.

ciyaartoyda poul pogba oo red devills iyo kabtanka liverpool captain jordan henderson ayuu booska qalbada dhexe usoo xushay  halka booska 10-aad uu ka dhigay ciyaaryahanka brazil iyo liverpool roberto fermino kaa oo maalmihii danbe qaab ciyaared cajiib ah ku jiray. sidoo kale labada garboodka waxa uu ka dhigay ciyaartoyda liverpool ee coutinho iyo mane halka weerar ee kaliga waxa uu soo xushay waayelka man utd zlatan ibrahimovic kaa oo uu sheegay inu yahay ninka kale ee ciyaartoyda reds dhibaato kala kulmi karaa.

shaxdan uu soo xushay Phil Thompson ayay kooxda martida caawa ah ee red devills kaliya ku yeelatay afar ciyaartoy.

shaxda-liverpol-iyo-unitted

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close