Philippe Coutinho oo bisha June dib ugu soo laabanaya garoonka Anfield maxay tahy sababta?

Laacibkii hore ee kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho ayaa dib ugu soo laabanaya garoonka Anfield bisha June, si uu kulan ugu cayaaro halkaas tan iyo markii uu Barcelona ugu biiray 142 milyan oo gini suuqii Janaayo.

Xiddiga xulka qaranka Brazil ee Coutinho ayaa kooxdiisii hore ee Liverpool dib ugu soo laabanaya, isagoo qorsheynaya inuu dhammaadka xilli cayaareedka soo booqdo garoonka uu sida wacan ugu soo shaac baxay ee Anfield kuna cayaaro halkaas kulan kubadda cagta ah.

Waxa uu garoonka Anfield marti gelin doonaa kulan saaxiibtinnimo oo dhex mari doona xulalka Brazil iyo Croatia, marka ay taariikhdu tahay 3 bisha June ee sanadkan, waana taas sababta uu Coutinho dib ugu soo laabanayo Magaaladiisii hore ee Liverpool.

Kulankaas ayey xulalka qaranka Brazil iyo Croatia isugu diyaarinayaan Koobka Adduunka ee 2018 lagu qabanayo dalka Ruushka

Waxa uu kulankaasi fursad fiican u yahay taagaarayaasha kooxda Liverpool si ay si fiican ugu sagootiyaan laacibkoodii hore oo 5 sano iyo bar ma talayey Reds ka hor intii uusan ka tagin oo ku biirin naadiga reer Spain ee Barca

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close