Pique Iyo Vermaelen Oo Halis Ugu Jira Inay Seegaan Kulanka Berri Ee La Liga & Sababta [Ogow]

Barcelona, ayaa wajihi doonta daafac yari kulanka ay ka hortageyso Getafe, Axada soo aadan, maadaama Thomas Vermaelen iyo Gerard Pique, ay yihiin kuwa seegay tababarkii maanta oo Jimco ah, kaasoo leyskugu diyaarinayay ciyaarta.

Daafaca reer France Samuel Umtiti, ayaa macquul ah inuu kali ku ahaado, iyadoona Ernesto Valverde uu adeegsan karo laacibiin badan.

Pique, oo ku dhaawacmay kulankii Espanyol ee todobaadkii hore, laakiin udheelay kii Valencia ee Copa del Rey, sababo ku aadan inuu ahaa kulan muhiim ah, ayaa dhaawacaas ku seegi kara kulanka Axadda ee Getafe.

Image result for Pique and Vermaelen

Geesta kale, Vermaelen, ayaa wuxuu yahay mid aanan loosoo xulan afar todobaad, dhaawac soo gaaray kulankii ay la dheeleen Real Betis.

Sikastaba, maamulaha Barca ayaa haysata kaliya Yerry Mina maadaama sidoo kale, David Costas uusan isana imaan tababarka maanta, waxaana macquul ah in daaca cusub ee Mina, uu kusoo bilowdo kulanka Getafe.

Mina, oo bishii Janaayo kusoo biiray Barca ayaa kulankiisii ugu horeeyay udheelay kooxdiisa kulankii ay 2-0 uga badiyeen dhigooda Valencia, kaasoo ay ugu gudbeen Final-ka tartanka xiisaha badan ee Copa del Rey.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close