Home » Champions League » Piqué Oo Juventus Ka Dib U Hanjabay Real Madrina-Muxuu Yiri?

Piqué Oo Juventus Ka Dib U Hanjabay Real Madrina-Muxuu Yiri?

Laguma farxin sida ay isaga hartay kooxda Barcelona, hadana ciyaarta ka dib Daafaca Barcelona ee Gerard Piqué ayaa ka hadlay bar bar dhicii kooxdiisa ay uga hareen Champion-ka ka dib lugta labaad ee wareegga 8-da oo ay ku marti giliyeen kooxda Juventus .

” Waa guul darro xanuun badan in aan Champion-ka ka harnay waliba anaga oo haysannay fursad aheyd in aan sedexdas gool ka kabsanno balse taasi badalkeeda bar bar dhac bilaa goolal ah ayay inoogu dhameeyen”. ” Taageerayaasha Barca illaa seeriga dhamaadka waa ay ina dheera gilinayeen ,waa inoo heesayeen tani waa xasuus aan marnaba la iloobi doonin” ayuu yiir Gerard Piqué

” Juventus waa koox wacan , waa ay mudnaayeen in ay u gudbaan wareegga 4-ta waana awoodaan in ay qaadaan xilli ciyaareekdaan iyaga ayaan mudan waayo si cajiib leh ayay u ciyaarayaan xilli ciyaareedkaan” ” Haatan waxaan isu diyaarineynaa kulanka Real ,arintaan aan uga harnay Champion-kana saameyn inaguma yeelaneyso ElClasicpo waan awoodnaa in aan Real ka badinno”

Si kasta Barcelona way muujisay dadaal, hase ahaatee waxaa daafac adag oo xirfadeesan la ciyaaray macalin allegri, kaasoo oo ku dadaalay sidii uu kaga aar gudan lahaa wiilasha spain matalaya ee qaaradda yurub quwadda ku heysta xilligaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*