Pique Oo Ka Hadlay Hadii Umtiti Oo Joogayo Barca Xili Man City & United Ay U Gaarsanayaa

Wargeysyadda kala ah: Daily Mirror iyo Metro ayaa laga soo xiganayaa in daafaca Barcelona iyo Spain ee Gerard Pique uu sheegay in wiilka ay isku kooxda yihiin ee Samuel Umtiti, uu sii joogi doono kooxdooda Barcelona.

Samuel Umtiti, oo lagu burburin karo qandaraaska uu hada joogo Barca aduun dhan 60 Malyuun ayaa waxaa xiiseynaya macalinka Manchester United ee Jose Mourinho iyo dhigooda Manchester City.

Pique ayaa wuxuu yiri: “Kama walwalsani waxa kooxuhu ay qorshenayaa ama ay sameyn doonaan.

Wuxuu raaciyey: “Umitit waa ciyaaryahan wanaagsan, waxaana rajeynayaa inuu halkaan jooo sanado badan, uuna nala raaxeysto inta uu nala joogo.

Wuuxu daba dhigey: “Marka uu kordhiyo [Hesiiska] lacagta lagu burburin karo heshiiska waxay noqon doontaa mid aad u badan mana la iibsan karo.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa: “Inkastoo waqtiga uu sii socda, hadana uusan wali arkin mushaarkiisa oo kordhay, waxaana umaleynayaa in wali uu dooran karo inu baxo, laakiin iima muuqato aniga.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close