Pochettino Oo Wadnaha Jaray Taageerayaasha Barca Shaaca Ka Qaadeyna Hal Arin

Tababaraha 45-sano jirka ah ee maamula kooxda Tottenham ee wadanka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in uusan ka tagi doonin kooxdiisa Spurs-ka kadib markii ay so baxayaa warar sheegaya in uu ku biirayo Camaaliqadda wadanka Spain ee Barcelona.

Ninkaan Argentine udhashay ayaa waxa uu kooxda Tottenham kaga so biiray Dhanka Southampton, sanadkii 2014-ka bishii May, isagoona qalinka ugu duugay hashiis ah ku kacay shan sano uu hogaamin doono Kooxdan.

Sidoo kale bishi May ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa mar kale qalinka ku xariiqay in uu kooxda sii hogaain doono illaa iyo sanadka 2021-ka, waxaana uu shaaca ka qaaday in uu sii ahaan doono Waqoyga London.

“Waxaa jira warar leysla dhaxmarayo, Laakiin kooxdaan ayaan ogonahay,” ayuu yiri. “Majirto sabab aan ku tago. Halkaan ayaana ahaan doonaan Xagaagan. Majirto sabab aan ku bur buriyo qandaraaskeeda. Fasal ciyaaredka xiga halkaan ayaan ahay.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close