In PSG Ay Halis Tahay, Hadii Ay Ka Baqayaan Inay Ku Aadaan & Zidane Hadlay Isku Aaadka UCL

Macalinka kooxda kubada cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane, ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in isku aadka wareega 16-ka ee Champions League, aysan ku ahayn isaga iyo kooxdiisa walwal aad u badan.

Wuxuu sheegay in muhiimada ay haatan xooga saarayaan inay tahay kulanka ay La Liga, kula balansan yihiin naadiga Sevilla, taasoo uu ku sifeeyay inuu yahay kulan weyn, oo ay aad uga fikirayaan.

Ninkaan Faransiiska udhashay ayaa waxa uu ku nuux nuux saday mar wax laga weydiiyay kooxda PSG, inay tahay koox xoog badan, islamarkaana xili ciyaareedkan soo bandhigtay qaab ciyareed heer sarre ah.

Zidane, ayaa yiri: “Kama walwalsani isku aadka wareega 16-ka Champions League, kaliya waxaan ka fikirayaa kulanka Sabtida ee La Liga – Paris waa  koox wanaagsan, waxa ay sameeyeen saro u kac badan.

Wuxuu raaciyay: “Xili ciyaareedkan, waxay soo bandhigayaan qaa ciyaareed heer sarre ah – goolal ayay dhalinayaan waxayna guuleysanayaa kulamo badan, waxayna yihiin kuwa koox heer sarre ah.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Uma socdo inaan ka hadlo isku aadka wareega 16-ka – Waxa aan dooneynaa inaan sameyno soo kabasho wanaagsan, waxaana bilaabi doonaa inaan ka fikirno kulanka weyn oo ay la dheeleyno Sevilla.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close