World Cup Mini Football: Brazil Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaartay Dhigooda Soomaaliya

Somalia iyo Brazil, oo ciyaaray ayaa waxaa 3-2 ciriiri ah ku badisay Brazil Koobka Adduunka kubad cag yaraha oo haatan ka soconaya dalka Tunisia.

Somalia, oo ciyaarta 2-1 ku hoggaaminaysa ayaa waxaa iskugu xigsadey roose loo taagey laacib ka mid ah iyo rigoore markiiba laga dhigay taasoo ciyaartii ka lumisay miisaankii.

Xulka Somalia, oo ay wax u dhintay ninka la dheer yahay kuna sii niyad jabtay rigoorihii deg dega ahaa ee xigey ayaa la oran karaa runtii ma ciyaar xumayn, waloow ay  waaya aragnimadu ku yarayd oo ay ahayd inay ilaa xad is dejiyaan.

Somalia, ayaa Guruubka C kula jirta xulalka Brazil, Bosnia Herzegovina iyo Ruushka iyadoo guruubkiiba laga doonayo 2 kooxood oo usoo gudubta bug-baxda.

Somalia, oo kulankan ugu yaraan barbarro u qalantey ayaa soo baxda haddii ay badiso labada kulan ee xiga ee u harsan, waase buur dheer.

Somalia, waxaa u saamaxey inay koobkan ka qaybgasho inay ka mid tahay dalal fara ku tiris ah oo horay kala qabsaday ciyaarta noocan ah oo iyada oo dhami caalamka kusoo biirtay Nofeembar 2013, iyadoo dufcaddii ugu horreeysey ee caalami ah bishii Maarso 2015 lagu qabtay dalkaasi Maraykanka oo isla isagu ku guulaystey kaddib markii uu 5-3 uga badiyey Mexico.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close