Qiimey lagu sameeyey Cayaartoyda BBC vs MCN Yaa Wanaagsan Sanadkan?

Magacyada BBC iyo MCN , ayaa walaac xoogan ku abuuri doona difaacyada kooxaha PSG iyo Real Madrid marka ay kooxahan caawa ku coltamaan garoonka Bernabue ee kooxda Real Madrid.

Paris Saint Gemain weerarka xidigaha kaga cayaaraya ee Kylian Mbappe, Edinson Cavani iyo Neymar xiligan waa weeraryahanada ugu sareeya Ligue 1 waxayna gilgileen qaarada yurub sanad cayaareedkan Laakiin kaliya xidigahaas kaliya ma jiraan.

Real Madrid ayaa jirta oo uu ka cabsado difaac waliba oo ka hor imaanaya weerarkooda marka uu maqlo Benzema, Ronaldo iyo Gareth Bale oo sanadkii hore wacdaro ka soo dhigay Champions League

Rikoorka goolasha ee xidigaha MCN

2017/2018 MCN waxay dhaliyeen 71 Gool (Cavani 28, Neymar 28, Mbappe 15)

Rikoorka goolasha ee xidigaha BBC.

2013/2014 BBC waxay dhaliyeen 59 Gool (Ronaldo 33, Benzema 15, Bale 11)

2014/2015 BBC waxay dhaliyeen 76 Gool (Ronaldo 43, Benzema 17, Bale 16)

2015/2016 BBC waxay dhaliyeen 77 Gool (Ronaldo 40, Benzema 23, Bale 14)

2016/2017 BBC waxay dhaliyeen 47 Gool (Ronaldo 25, Benzema 13, Bale 9)

2017/2018 BBC waxay dhaliyeen 40 Gool (Ronaldo 24, Benzema 7, Bale 9)

Garoonka Santiago Bernabue ayaa marti galin doona lugta hore ee labada kulan ee PSG iyo Real Madrid ku balansanyihiin wareega 16-ka Champions League halka cayaarta labaad ee labadan kooxood ay ka dhici doonto halka loo yaqaano beerta amiirada ee Parc De Princess oo Paris Saint Germain ay ku cayaarto.

Marka laga soo tago bandhiga liita ee Ronaldo uu ka sameynayo Laliga hadana wuxuu la soo baxaa qaab cayaareed laga cabsado marka la yimaado Champions Legaue xiddiga Portugal ayaana shantii sano ee la soo dhaafay ku guuleystay xidiga ugu sareeya gool dhalinta Champions League,sidoo kale Ronaldo waa laacibka xiligan horkacaya gool dhalinta Champions League

Sagaal gool oo Ronaldo uu dhaliyay lix kulan oo Champions League xili cayaareedkan ayaa wiilka Portugal kaga dhigantahay xidigii ugu horeeyay ee sidaasi sameeya.

Dhanka kale xidigaha PSG ayaa sameeyay bandhiga lala yaabay iyagoo wadar ahaan xili cayaareedkan dhaliyay 79 gool 38 kulan oo ay ka soo muuqdeen dhamaan tartamada xidigaha Woqooyiga America ka soo wada jeeda ee Neymar iyo Cavani ayaa dhaliyay min 28 gool halka da’yarka France uu dhaliyay 15 gool.

Sanad cayaareedkii 2015/2016 cayaartooyda la isku yiraahdo BCC ayaa ruxay qaarada yurub iyagoo dhaliyay wadar ahaan 77 gool 38 kulan oo ay cayaareen goolashaasi ayaana kala ahaa 40 gool katimid kabtanka Portugal 23 uu dhaliyay Benzema iyo 14 gool oo Bale loo diwaan galiyay.

Kadib markii PSG ay 222 Milion ay ku bixisay saxiixa Neymar sidoo kale ay 180 Milion oo EUROS ay ku bixisay Mbappe iyo 64 Milion oo 2013 ay ku soo iibsadeen Cavani ayaa ka dhigay kooxda maamusha Parc De Princess in ay heystaan weerarka aduunka ugu qaalisan maadaama xidigaheeda weerarka wadar ahaan ay ugu fadhiyaan lacag dhan 464 Milion, sidaasi oo ay tahay kooxda ka dhisan caasimada France ayaa sanadkan rikoor cajiib ah ka sameysay marxalada guruubyada Champions League

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close