QIIMEYN: Ciyaaryahankii Ugu Fiicnaa Isbuucaan Kulamadii La Liga Laga Dheelay Oo La Shaaciyey

Ciyaaryahanka kooxda kubada cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa wuxuu noqdey midkii ugu fiicnaa kulamadii laga dheelay horyaalka La Liga, isagoona ku garaacay dhowr laacibiin oo bandhig fiican sameysay xagaagan.

Qiimeynta Power Ranking oo ay sameyso Shabakada Sky Sport ayuu kusoo baxay Leo Messi, waxaana soo galay kaalinta labaad ciyaaryoyda Barca kala tirsan ee lagu magacaabo, Luis Suarez iyo Paulinho.

Messi ayaa wuxuu dhaliyay gool kulankii ay Barca ka heshay Todobaadkan guusha soo laabashada ah kooxda Real Sociedad, waxaana sidoo kale, Suarez iyo Pualinho ay ahaayeen kuwa iyagana goolal dhaliyay kulankaas.

Sidoo kale, ciyaartoyda kala ah: Sergio Aenjo iyo John Oblack ayaa waxay kasoo muuqdeen liiska shanta xidig ee ugu sareysa ee qiimeyntaan, iyadoona uusan kasoo muuqan ciyaaryahan Real Madrid ka tirsan.

Horyaalka Spain, ayaa waxaa hada hogaaminaysa kooxda kubada cagta Barcelona, iyadoona Real Madrid, ay fadhiso kaalinta afaraad waxayna ka hooseysaa Barca oo koowaad ah, 19 dhibcood ooo nadiif ah.

Hadaba, hoos ka arag liiska ciyaartoyda ugu fiicneed Isbuucaan La Liga:

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close