QIIMEYN: Kumaa Ahaa Laacibkii Ugu Fiicnaa Garoonka Ciyaartii Ay Real Madrid Soo Dubatay Apoela?

Naadiga Real Madrid ayaa waxay caawa ku baashaasay Kooxda Apoela Nocosia, kadib markii ay kusoo daartay goolal gaaraya 3-0, iyadoona bandhigaan uu ka dhacayay garoonka ku yaala caasimada dalka Spain, oo ay ku dheesho Cad Cadka, naadiga lagu naaneyso.

Los Blancos ayaa waxay bilawgii ciyaarta ay umuuqaneysay mid diyaar u ahayd, inay badiso, islamarkaana waxay dooneysay in wax aanan ahayn guul aysan anfaceen, waxaa Joog dheere Ronaldo uu muujiyay in Real aysan ciil geli doonin mar hadii uu isaga garoonka u jiro.

Xiddigaan ayaa wuxuu kulankaan dhaliyay Laba gool, oo mid kamid ah uu ahaa Laad Xur ah, isagoona dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana Goolka sedaxaad dhaliyay xiddiga Sergio Ramos, kaasoo bandhigaan aad uga qeyb qaatay isana, wuxuuna dhaliyay gool qurux badan.

Taageerayaal ka tirsan Madrid, ayaa waxay u codeeyeen ciyaaryahanka Ronaldo uu noqdo xiddigii ugu fiicnaa garoonka, waxaana ay sheegayaan in CR7 uu ka bixiyay sheekooyin ciil u badan, taasoo ah In aysan haysan weeraryahan goolal udhaliya aysan soo dhamaatay sheekadaas.

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close