Qiimeynta xulalka Adduunka oo la soo saaray iyo Soomaaliya halka ay kaga jirto

Xiriirka Aduunka FIFA ayaa soo saartay qiimeynta Bilaha ee xulalka Adduunka iyadoo ay Brazil dib ugu soo laabatay kaalinta 1-aad oo waxay booska kala baxday xulka qaranka Jarmalka, Jarmalka ayaa isagu kaalinta koowaad galay bishii la soo dhaafay kaddib markii uu ku guuleystay Confederations Cup, balse kaalinta labaad ayaa loo riday iyadoo ay jirto inaysan wax kulan aysan ciyaarin dalka Jarmalka iyo Brazil tan iyo qiimeyntii hore,Wadanka Argentina ayaan iyadu wax dhaqaaq ah sameyn oo booskeeda 3-aad fadhisa balse waxaa boos sare u soo kacay dalalka

Switzerland iyo Poland, halka xulka Portugal uu labo boos hoos u dhacay,Chile, Colombia, Belgium, France ayaa dhammeystiraya liiska tobanka Sare.



Sidoo kale Xulka Soomaaliya ayaa isagu sida caadada ah fadhiya halka ugu hooseysa ee qiimeynta FIFA waxa ayna ku jirtaa 206 oo waxaa ka dambeeya uun xulka Tonga oo isla kaalintaa kula jira.

 

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close