Qorshaha Suuqa Koxda Chelsea Oo Lasii Helay Xiddigaha Kujira,Waa Kuwee?

Naadiga kubadda cagta Chelsea ayaa abaabuleysa qorshe ay kooxdu ku galeeso suuqa kala iibsiga ololaha socda marka uu dhamaado, waxaana nidaamkan horkacaya mulkiilaha sare kooxda Roman iyadoo la sii qiimeenaayo wiilasha laga yaabo in lala xaajoodo dhawaanahaan.

Wargeysyadda kasoo baxa dalka England ayaa daabacaya in la sii ogaanayo liiska uu doorbidayo macalin conte waxaana hadda kooxda u ciyaara kante oo adaa damacii macalinka reer talyaani markii uu kooxda imaanayey.

Kaliya mid ka mid ah xiddigaha Conte uu tixgeliyo ee ay soo qaadeen Chelsea maamulkeedu– waa N’Golo Kante – kaasoo ay soo qaadeen xagaagii hore, balse xiddigihii kooxdan horay u joogay kuma faraxsana macallinkani, sidoo kale suuqana waxba kama uusan sameyn January marka laga reebo in uu diray Branislav Ivanovic, John Obi Mikel iyo Oscar.

Si kasta Roma booskeeda dhexe Radja Nainggolan ayaa la sheegay in Talaadadii uu si toos ah ula hadlay macallin Antonio Conte isla markaana uu kala sheekeystay mustaqbalka uu ka yeelan karo garoonka Stamford Bridge, balse Chelsea ayaa ku fashilantay in ay la kulanto Roma iyadoo gacanta ku sidda qiimaha laacibkan lagu doonayo ee dhan £32 milyan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close