Raali Ahaada Real Madrid! Ancelotti Oo Codsaday In Robert Lewandowski Lagu Sii Hayo Bayern Munich.

Qorshihii ay Real Madrid ku dooneysay inay kula wareegto Robert Lewandowski ayaa yeeshay hal caqabad oo weyn, magaciisana waa Carlo Ancelotti, sida ay qortay maanta jariirada Madrid ka soo baxda ee AS.

Mid ka mid ah sharuudihii uu tababaraha Talyaaniga ku xiray Bayern Munich ka hor inta uusan heshiis seddex sanno ah saxiixin kooxda Bundesliga ka dhisa ayaa aheyd inaysan marnaba iibinin 27 jirka weerarka ka ciyaara Lewandowski.

Ancelotti ayaa si weyn uga warqaba in xiddiga reer Polland uu liiska ugu jira madaxweynaha Real Madrid islamarkaana bishii hore wakiilka ciyaaryahan Cezary Kucharski kuraasta marti sharafta Bernabeu kulankii ay Madrid la ciyaareysay Getafe. Ancelotti ayaa sidoo kale doonaya in la celiyo xiddiga sida Douglas Costa, Ribery iyo Robben.

Bayern ma aysan dooneynin inay heshiiska Lewandowski ku daraan qiimo lacageed oo qandaraaskiisa lagu burburin karo inkastoo uu sidaasi codsaday wakiilka ciyaaryahanka markii uu kooxda u saxiixayay labo xilli ciyaareed ka hor. Ciyaaryahanka ayaa ka soo wareegay Dortmund kuna biiray Bayern si xor ah ka dib markii qandaraaskiisii BVB uu dhacay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close